Whittier Nurse Patients

Dhammaan waa lagu dhowaynayaa halkan

Xaga HCMC waxaan ognahay in muhaajiriinta bulshaddayadu ay qabaan baqdin iyo werwer badan. Waxaan oganahahy in korodhkii dhowaa ee dembiyada nacaybka ah, takoorka, ka baqashada mastaafurinta, iyo firkad xun ka haysashada ay noqon karto shay u xun caafimaadka dhammaan dadka aanu u adeegno Waxaanu ku ballan qaadaynaa inaad u adeegno dadka oo dhan kuwaas oo caawimo waydiista.

Waxaanu Haynaa Taageero:

  • Had iyo jeer macluumaadkaaga gaar ayaanu u hayn doonaa. Kuma waydiino heerkaaga sharciga wadanka. Weligayo ma wadaagno macluumaadkaaga ilaa aad oggolaansho nasiiso ama uu sharcigu u baahanyahay.
  • Waxaan rabnaa inaan ogaano werwerkaaga iyo baqdintaada. Waxaan rabnaa inaad badbaado dareento helida caawimada. HCMC waa meel amni ah si aad wax noogaga sheegto naftaada, qoyskaaga, iyo bulshaddaada. Culayska dareenku waxa uu isku beddeli karaa werer iyo walabahar. Waxaan rabnaa inaan ku dhegaysano adiga oo fahano dedaaladaada. Waxaanu doonaynaa inaanu kaa caawino waxa aad la kulmayso.

Miyaad baqanaysaa?

  • Miyaad ka baqanaysaa inaad baabuur kaxayso? Ma waxa aad ka baqanaysaa inaad u tagto dhakhtarka? Ma waxa aad ka baqanaysaa inaad codsato caawimada caafimaadka? Noo sheeg haddii ay dhib kaa haysato inaad na soo gaadho. Waanu ku caawin karnaa: Waxaanu doonaynaa inaan u fududayno dadka oo dhan.
  • Laanta Socdaalka Maraykanka (sidoo kale loo yaqaano ICE) waxay leeyihiin sharci xadida awooda si loo sameeyo gudaha "goobaha xasaasiga ah." Tan waxaa ka mid ah cusbitaalada iyo xafiisyada dhakhtarada. Tani waa inaanad ka baqan ICE marka aad hesho daryeelka caafimaadka. Haddii aanu ogaano inay ICE jebinayso sharcigan xaga cusbitaalka ama rugaha caafimaadka, HCMC waxay gudbin doontaa cabasho.
    https://www.ice.gov/ero/enforcement/sensitive-loc

Hiigsigayaga:

Qiyamkayaga niyadu waa:

  • Waxaanu cambaaraynaa nacaybka, dagaalka, iyo eexasahda.
  • Waxaanu u qiimaynaa dadkoo dhan sidii shakhsiyaad
  • Waxaanu aad u qiimaynaa xidhiidhada barbaaraya oo keeno bogsashada.
  • Waxaanu rumaysanahay abuurida bulsho aad isugu dhex jirta.

Waxaanu Haynaa Turjubaano:

Cusbitaalka iyo rugtada caafimaadka HCMC waxay ku yaalaan xaafada Degmadda Hennepin oo dhan. Waxaanu daryeelka ku bixinaa luqadda badan oo kala duwan. Turjubaanadayadu:

  • Had iyo jeer bilaasha
  • Ku hadlaan 71 luqaddood
  • Halkan ah 24 saacadood maalintii
  • Halkan ah 7 maalmood todobaadkii.

Dhammaanteen waan Simahay

Dhakhaatiirtayda, iyo shaqaalaha kale waxaa ka go’an u adeega bulshooyinka kala duwan. Waxaanu doonaynaa inaanu ku siino daryeelka iyo ixtiraamka aad u qalanto. Kuwa badan oo ka mid ah shaqaalahayagu waa muhaajiriin ama carruurta muhaajiriinta. Waxaanu kuu heli karnaa adeegyo badan adiga. Tan waxaa ka mid ah ka caawinta:

  • Helida cunto ku filan
  • Waxbarashadda
  • Adeegyada sharciga
  • Daryeelka Caafimaad
  • Daryeelka caafimaadka maskaxda
  • Badbaadada dad waynaha iyo wax badan

Waxay noo ahayd anaga sharaf inaanu ku daryeelno adiga iyo qoyskaaga. Waxaan halkan u joognaa inaanu kaa taageerno dhammaan noocyada xaaladaha iyo caqabadaha aad la kullanto. Waxaan rajaynaynaa inaad noo oggolaan doonto inaad nala sii shaqayso.